Salaam! 
Nagala sheekee sheeko ka timid dhaqankaaga!
Ma ku hadashaa mid kamid ah luuqadahan?
Soomaali, Faarsi, Kurdi, Carabi, Giriig, Isbaanish, Boolish, iyo Serbo-Kurooshiyaan.
Marka hore, waxaan rabnaa inaad akhrido buugaagta carruurta ee la doortay, qaar ama dhammaantood. Waxay diyaar ku yihiin maktabadda. Waxa kale oo laga heli karaa abka "Bläddra" oo ku qoran afkoodii asalka ahaa.​​​​​​​
Lilli, farfar och norrskenet — Anita Midbjer, Elin Marakatt
Dansbus och kaktrubbel — Marin Salto
Camping och kurragömma — Marin Salto
Badbomber och simhopp — Marin Salto
Plupp och havet — Inga Borg
Plupp och vargen — Inga Borg
Plupp och midnattssolen — Inga Borg
Plupp bygger bo — Inga Borg
• Pimpelfiske — Ann-Helén Laestadius
Nöten — Sarah Schulman, Karl Kjäll
Kadib waxaan rabnaa inaad nagala wadaagto sheeko ka timid dhaqankaaga oo la xiriirta mid kamid ah buugaagtaas.
Sheekada aad ka jawaabto waxay noqon kartaa:
Sheeko leh dhacdo la mid ah mida buugga
Sheeko leh hal ama dhowr dabeecado oo la mid ah kuwa buugga
Sheeko leh xikmad ama cashar la mid ah kuwa buugga
Sheeko leh mawduuc la mid ah
Buugaagtaan waxaa qorey qoraayaal ku hadla mid kamid ah afarta luuqadood ee rasmiga ah ee laga tirada yar yahay ee Iswiidhan—Meänkieli, Finnish, Sami, Romani Chib, iyo Yiddish. Waxaan rabnaa inaan kor u qaadno buugaagtooda iyo sheekooyinkooda, iyo dhaqankaaga iyo sheekooyinkaaga, annagoo idinku xirinaya dhaqanka carruurta. 
Intii lagu jiro xulitaanka xilliga qaboobaha 2024/2025, koox carruur ah ayaa dooran doona qaar ka mid ah dadka sheekooyinka u gudbinaya mashruucan.
Dadka la doortay ee sheekooyinka soo gudbiya waxaa si xirfad leh loo duubi doonaa kadibna si online ah loo baahin doonaa si aduunka oo dhan ay u arkaan ugana maqlaan sheekooyinkaas. Waxaad noqon kartaa midkood!
Ka qaybgalkaaga wuxuu gaari doonaa carruur—iyo dadka waaweyn—oo doonaya inay maqlaan sheekadaada.
FIIRO GAAR AH: Si aad u akhrido buugaagta, waxaad u baahan doontaa xoogaa caawimo ah oo af Iswiidhish ah. Waa buugaag caruureed oo gaaban. Si aad foomka uga jawaabto oo aad noola soo xidhiidho, waxaad u baahan doontaa xoogaa caawimo ah oo af Iswiidhish/Ingiriisi ah ama Carabi.